Kulamo usocda Axmed Madoobe iyo gudoonka Aqalka Sare

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goordhow gaaray Xarunta Aqalka Sare, halkaas oo uu Maanta khudbad ka jeediyay doono.

Axmed Madoobe Axmed haatan kulan la leh Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi, iyaga oo ka hadlaya arrimo badan oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka.

Madaxeeynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulan la qaato
Guddiga Jogtada Golaha Aqalka Sare, iyada oo Sanatarada aqalka Sare qaarkood ay su’aalo weeydiin doonaan.