Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ka socda kulamo xal loogu raadinayo xiisadda ka dhalatay arrimo doorashooyinka ee u dhaxeeysa Xukuumadda Puntland iyo Siyaasiyiinta mucaaradka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Isimada Dhaqanka Puntland oo ay kamid yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdille, iyaga oo ka wada-hadlay xal u helida khilaafka siyaasadeed ee mucaaradka iyo xukuumadda oo isku maandhaafsan furista dastuurka iyo doorashooyinka soo aadan.
Kulamadaan xal raadinta ah ee ka socda Magaalada Garoowe ayaa kusoo aadayaan xilli isha lagu wada haayo tallaabada ay qaadi doonaan Golaha Wakiilada Puntland oo u ballansan in 20-ka Bishaan ay wax ka bedel ku sameeyaan Dastuurka Puntland.