Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda Puntland Oo lagu taageeray go’aankii Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda

Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Garowe ee Caasimadda Golaha Wasiiradda Puntland ayaa lagu taageeray go’aankii Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ee ahaa in la hakiyay Xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya.

Dhinaca Kale Golaha Wasiirada Puntland ayaa ka wada hadlay Go’aankii dhawaan dowladda Jermalka ay ku joojisay Mashruucii Wadada xiriirisa Gaalkacyo, Iyo Garowe, waxaana ay sheegeen in sidii loogu talagay mashruucu u socdo isla markaana uu ku dhammaan doono mudadii loo qorsheeyey.