Kulan ay Muqdisaho ku yeesheen Masuuliyiin Hay,ada Musiibooyinka Qaranka iyo Madax kasocota Hay,ada WFP.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka  mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Guddoomiye ku xigeenka hey’adda mudane, Axmed Cabdi Aadan, ayaa kulan la qaatay madaxa Hay’adda Cuntada Adduunka WFP, ee Soomaaliya Mr; Elkhadir Daloum.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka SoDMA, ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen sidii ay u yeelaan lahaayeen wada shaqeyn dhow  howlaha  gaargaarka ee loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan