Kulan Ciyaareed Maanta ku Dhexmari Doona Garoonka Muqdisho Xulalka Somaliya iyo Jabuuti…

Xulka Qaranka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dhiggiisa Soomaaliya kulan Cayaareed Saaxiibtinimo kula qaadan doonna Garoonka Cayaaraha Muqdisho (Stadium Mogadishu) iyada oo ay arrintaas dhiirragelin u noqon doonta xulalka kale ee damacsan in ay Garoonkaas ku cayaaraan.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada & Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti ay isla meel dhigeen go’aankaas uuna la wadaagayo xiriirka kubadda Dalkaas.

Barre ayaa sheegay in Garoonka Cayaaraha Muqdisho dib u dhis bilicda Garoonkaas soo celiyay lagu sameeyay isla markaana si wanaagsan loo hagaajiyay dhinaca Amniga kana howlgalaan ciidamo xirfad iyo aqoon u leh la tacaamulka Bulshada.

Horumar muuqda ayuu Tilmaaamay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada & Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Barre Maxamuud in laga sameeyay Cayaaraha iyada oo laga dhex eegan doonno guullaha & dhibcaha ay ka heleyso tartamada.

“Wasiirka Cayaaraha Jabuuti waxa aan kawada hadalnay in cayaarta ugu horraysa ee Saaxiibtinimo uu xulka dalkaas uu Soomaaliya kula cayaaro Garoonka Muqdisho waxaana u keennay casumaadda oo naga guddoomay isaga oo noo ballanqaaday in uu la wadaagi doonno xiriirka kubadda cagta isla markaana Jawaab degdeg ah lasoo wadaagi doonno” Maxamed Barre Maxamuud Wasiirka Dhallinyarada & Cayaaraha XFS.

Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo ah tuulo ka kooban qaybo kala duwan waxaa dib u dhis lagu sameeyay qaybta lagu cayaaro kubadda Cagta, FIFA ayaa horay u aqoonsatay, waxaana dhowaan lagu wadaa in lagu qabto koobka Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir.