Kulan dhexmaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali.

Labada Masuul oo kulankooda waqti badan uu qaatay ayaa xaqiijiyay in ay sii xoojinayaan iskaashiga walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dhinac ee Jabuuti iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulanka kadib yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, marti qaadkan oo uu inoo sameeyay, waxaan ka qeyb galeynaa Munaasabadaha 27-ka Juun, Jabuuti waa dalkeena labaad”

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali ayaa dhankiisa sheegay labada dal in ay wadaagaan waxyaabo badan, wuxuuna tilmaamay in Jabuuti ay kaalin weyn ka qaadan doonto nabadda lagu soo dabaalayo Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaalnimo ee u dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya.