Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Galmudug mudane Ahmed Ali Maxamed Cantoobo iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta dowladda Galmudug ayaa Magaalada Dhusmareeb uga qeyb galay galay Kulan la tashi Dadweyne ah oo uu sooqaban qaabiyay Machadka Dasaraadka Siyaasadda ee Heritage.
Kulankaan Latashiga Dadweynaha ayaa waxaa lagu lafaguraayay Caqabahaha Maamulka Galmudug ka heysta dhaqangalinta Mashaariicda uu ku deeqo Baanka Adduunka, arrimaha hortabinta u leh Dowladda Galmudug sida, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Beeraha, kallunka iyo arrimaha Bulshada ayaa looga dooday inta ay socotay doodu
Ugu horeyn waxaa Dooda Daaha furay Dr Aways Mohamed cilmi oo ah bare sare oo katirsan Machadka Heritage asaga oo kasoo qaybgalyaasha u faahfaahiyay Du,ucda kulan howleedkaa.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Amniga Galmudug Mudane Abdulahi bare ayaa asnaa goobta kaga sheekeeyay baahida ay dadka reer Galmudug ay u qabaan Horomurinta Beeraha , kalluumeysida iyo ka faa’iideysiga Kheyraadka Badda.
Iskuduwaha Mashruuca hormarinta iyo xasilinta Magaalooyinka oo ah Mashruuca loogu tagalay hormarinta Kaabayaasha dhaqalaha Mudane Abdulkadir Diriye ayaa kasoo qaybgalyaasha la wadaagay baahida looqabo in Galmudug ay wax kaqabato Waddooyinka waaweyn, Garoomada , koronta iyo Dakadaha si Galmudug u gaarto xasilooni iyo iksu tiirsanaan dhaqaale oo rasmi.
Doodaan ayaa waxaa lagu casuumay Mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaasaradaha Dowladda iyo Xubno kamid ah Ururada Bulshad rayidka Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Galmudug mudane Ahmed Ali Maxamed Cantoobo waxaa uu ku dheeraday ka hadalka baahiyaha hortabinta u leh dowladda Galmudug iyi sida ay tahay in wax looga qabto.
