Kulan looga hadlayay Amaanka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulankaan oo looga hadlayay amniga Caasimadda ayaa xalay ka qabsoomay Magalada Muqdisho,waxaana shir guddoomiyay Gudoomiyaha Gobolkan Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay taliyeyaasha Cidiamada Sida,Taliyaha xooga Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), Taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko), Taliyaha Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Guddoomiye kuxigeenka amniga & Siyaasada Gobolkan Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay dardar gelinta howlgallada sugida Amniga ee ka socda Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo la-xisaabtanka Hay’adaha Amniga Soomaaliya ee howlgallada ka wada Magalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday Ciidamada Ammaanka oo Shaqsi lagu Magacaabo Bishaar Cabdirisaaq Maxamed u xiray Haweeneey meydkeeda laga helay Hotelka Caamir oo u dhow Isgoyska Baar Ubax taas oo lagu Magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Axmed.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ka qabsoomayay kulamo looga hadlayay Amniga Caasimadda,waxaana kulamadaas inta badan hay’adaha Amniga ay kusoo bandhigayeen dardar gelinta howlgallada ay ka wadaan Magalada Muqdisho.