Kulan looga hadlayay amniga Dalka oo ka dhacay Muqdisho

Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa galabta ka dhacay kulan looga hadlayay amniga Caasimada iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amni daro ee Caasimada ka dhaca.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga, Taliyeyaasha Booliiska, Nabad Sugida iyo maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa intii uu socday lagu falanqeeyay dardar gelinta howlaha amniga la xiriira iyo sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayd shacabka iyo hay’adda ammaanka.

Saraakiishii uu hogaaminaayay Wasiirka amniga ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta amniga caasimada iyo howlgalada socda.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobolka Xuseen Maxamed Nuur ayaa kulanka kadib la hadlay warbaahinta.

Dhanka kale Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa lagu qabtay shir lagu soo gaba gabeynayay qorshaha hormarinta gobolka Banaadir 5 sano ee soo socoto.

Waxaa lagu balamay in shacabka gobolka loo soo bandhigo warbixin faah faahsan oo la xiriirta qorshaha hormarinta gobolka Banaadir si ay talooyinkooda ugu daraan sida uu warbaahinta u sheegay Ku simaha guddoomiyaha gobolka banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobolka Xuseen Maxamed Nuur.