Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah oo diirada lagu saarayey sugidda amniga Caasimada Muqdisho la qaatay Masuuliyiinta maamulka dhawaan la magacaabay ee Gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Yusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirada Haweenka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yusuf Cumar al-Caddaala, ayaa looga hadlay sugidda Amniga gobolka Banaadir iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa ka qaybqaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, sarana loo qaado dadaallada lagu horumarinayo amniga, maadaama Al-Shabaab looga adkaaday gobollada dalka ayna suuragal tahay inay u soo wareegaan magaalooyinka oo ay caasimaddu ugu horreyso.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan dhibaatada Al-Shabaab si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laamaha amniga iyo maamulka gobolka ay garab ugu siiyaan.
Guddoomiye, Yusuf Xuseen Jimcaale oo intii uu kulanku socday ayaa ka warbixiyay shaqooyinka socda iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada.