Kulan looga hadlayey dardargalin howlgalada Koonfurta Gobolka Mudug iyo Galgaduud ayaa ka dhacay D/ Wisil.

Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe, Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS General Biixi, Taliyaha Ciidamada Kumaandooska Danab G/dhexe Axmed C/laahi Beeryare iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay Howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo Galmudug oo maanta lagu qabtay degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Kulanka ayaa looga hadlay xoreynta deegaannada ka maqan gacanta Galmudug iyo sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socdo Koonfurta Gobolka Mudug iyo Galgaduud.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa deegaanada Galmudug gaarayey ciidamo badan oo loogu talagay in ay ka qeyb qaataan Xoreynta Deegaamada iyo Degmooyinka ka maqan Galmudug oo ay ugu horey D/Xarardheere oo ay muddo badan AL-shabaab ka talinayeen.