Kulan looga hadlayo Niyukleerka Iiraan oo maanta Vienna ka furmaya

Saraakiisha hay’ada Qaramada Midoobay ee dabagalka hubka Niyukleerka ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaaladda Vienna.

Kulankan ayaa waxa diiradda lagu saari doonaan barnaamijka Niyukleerka dalka Iiraan.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay hay’ada la socodka hubka Niyukleerka ee loo soo gaabiyo IAEA ayaa lagu sheegay in Iiraan ay u hogaansantay heshiiskii ay la gashay 6 dal oo ah kuwa quwadaha waawayn oo Mareykanka ay ka mid yihiin.

Dadka la fagura arrimahani ayaa sheegaya in Iiraan ay sanado badan ku qaadan karto samaysashada hubka Niyukleerka.

Madaxwayne Donald Trump ayaa marar badan cambareeyay heshiiska ay wadamada quwadaha waawayn la galeen dowladda Iiraan.

Heshiiskan ayaa Iiraan lala galay sanaddii 2015 , waxaana Iiraan dhankeeda ay ku badalatay in laga khafiifiyo cunaqabataynta dhaqaalaha