Kulanka Bulshada Rayidka K/Galbeed ee Hannaanka Dib u eegista Dastuurka

Ururada Bulshada Rayidka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo kaaso oo ay soo abaabushay Dallada Jilayaasha Aan Dowliga Ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya(SOSCENSA ) ayaa ahaa kulan aragti is-waydaarsi kaasi oo lagu lafa- gurayey hannaanka dib u eegista dastuurka Soomaaliya, waxaana kulankaas kasoo qayb-galay qaybaha kala duwan ee Ururada Bulshada rayidka ah sida: culumaa-udiinka, ururada haweenka , dhallinyarada , odayaasha dhaqanka , warbaahinta iyo jaamacadaha.

Ujeedooyinka kulanka ayaa ahaa :
(1) In bulashada rayidku ay aragti is-waydaarsi ka yeeshaan halka uu marayo geeddi socodka dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya.
(2) in ay ka tashadaan kaalintooda kaga aadan ka qeyb-galka dib-u-eegista dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo caqabadaha ka haysta ka qayblka hannaanka.
(3)hababka ugu haboon ee loo dhaqaajin karo dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.

Kadib, wadatashi iyo falaqeyn la xariirta hallka uu ku suganyahay geeddi socodka dib-u-eegista Dastuurka, kaalinta Bulshada rayidka ah iyo caqabadaha ka haysta ka qayb-galka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka iyo hababka ugu haboon ee loo dhaqaajin karo ayaa waxa ay ka qeyb-galayaashu isla-garteen in doorka Bulshada rayidka ah ee dib-u-eegista Dastuurka iyo tallo bixintiisuba ay muhiim u tahay horumarka dalka, gaar ahaan dhameystirka qabyo qoraalka Dastuurka, Waxayna ugu baaqayaan guud ahaan dowladda dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada , gaar ahaanna; Guddiga Baarlamaanka ee kormeerka Dastuurka, Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka , Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Wasaarada Dib u Heshiisiinta iyo Arimaga Dastuurka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed talo soo jeedintaan:

1. In hay’adaha shaqo wadaagta ku ah hannaanka dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya ay wada dhowraan nidaamka shaqo ee iyaga ka dhexeeya iyo heshiishyadii ay wadagaleen.
2. In danta qaaska ah laga hormariyo danta guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka .
3. In qorshaha guud ee loo diyaariyay hannaanka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya aan lasoo bandhigin iyada oo aan dib-u- eegis lagu samayn.
4. In la abuuro guddi kor joogto ka noqota dib-u-eegista Dastuurka oo ay bulshada rayidku ku leeyihiin xubno muhiim ah
5. In la helo khubaro Soomaaliyeed oo la shaqeeya guddiyada Dastuuriga ah ee dib-u-eegista Dastuurka, lehna sifooyinka sharci yaqaano Diini iyo Maadiba oo wadaniyiin ah.
6. Si guud ahaan bulshadu u hesho fursad ay uga qeyb qaadato dhameystirka Dastuurka, dawlada iyo Dowlad Gobbaleedyada Dalka waa inay xoojiyaan amniga iyo maamul wannaagga.
7. In heshiisiin iyo wadahadal loo furo bulshada Soomaaliyeed lagana soo bilaabo heer hoose taas oo garab soconaysa dib-u eegista Dastuurka.
8. In la helo wakhti kooban iyo qorshe cad oo bulshadu ogtahay laguna dhameystirayo dib-u-eegista Dastuurka.
9. In Dastuurka si buuxda loogu qeexaa ilaalinta mabaadi’da iyo maqaasidda shareecada islaamka
10. Si loo ilaaliyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka, waa in bulshada rayidku ku yeeshaan door muhiim ah oo muuqda, maadama ay ayagu ku dhex jiraan bulshada.

Ururada Bulshada rayidka ah ee ka soo qeyb-galey kulankii halka maalin ahaa ee ka dhacay Hoteelka Horyaal ee magaalada Baydhabo, waxay ugu baaqayaan dhammaan ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed in ay si mug leh uga qeyb-qaataan hannaanka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii SOSCENSA oo u taagan xariirinta iyo fududeynta wada-hadalada & talo-wadaagga arrimaha muhiimka u ah bulshada waxay u mahadcelinaysaa xubnihii ka socdey Ururada bulshada rayidka ah ee ka soo qeybgaley kulanka iyo Wasaarada Dib u Heshiisiinta iyo Arimaha Dastuurka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya .