Kulanka Golaha Shacabka Oo kafurmay Magaalada Muqdisho

Kulanka Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furmay,waxaana ajendaha maanta yahay amniga guud ee dalka gaar ahaanna Caasimadda Muqdisho.

Kulankan oo ah kulanka 2aad ee kalfdhiga 4aad ayaa waxaa xaadiray 168 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

Amniga Muqdisho ayey Xildhibaannada xoogga ku saarayaan waxaana sababtu tahay markii Bishan ay sare u kaceen weerarrada iyo qaraxyada ka dhacayay Muqdisho.

Xarumaha Degmooyinka Hawlwadaag iyo Hodon ayaa 2dii iyi 10kii Bishan lagu bur buriyay Qaraxyo laga soo buuxiyay Gawaari,waxaa kale oo bar bar socday dilal qorsheysan iyo weerarkii ugu dambeeyay ee uu ku dhaawacmay Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

Kulanka maanta waxaa shir Guddoominaya Guddoonka Golaha shacabka Maxamed Mursal Sh.C/Raxmaan,waxaana la fadhiya labadiisa ku xigeen ee kala ah C/Wali Sheekh Muuddeey iyo Mahad Cabdalla Cawad.