Kulanka Golaha Shacabka Oo Maanta looga hadlay Arimo Muhiim ah

Xildhibaanada Baarlamaanka ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kulan ku yeesheen xaruntooda Golaha Shacabka, waxaana kulanka looga hadlay dhawr arrimood.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo todobaadkii la soo dhaafay maalin Isniin ah ay doorteen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shir guddoominayay kulanka.

Ajandaha gaarka ah ee kulanka maanta ee Xildhibaanada ayaa waxa uu la xiriiray habmaamuska Xeerka lagu aas aasay Midowga Africa ee khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika oo Mudanayaasha ay si aad ah uga doodeen, kaasi oo ugu dambeyn ay meelmariyeen.

Mudane Maxamed Mursal oo ku dhawaaqay natiijada ansixinta xeerkan ayaa waxa uu sheegay kulanka in ay soo xaadireen 144 Mudane, ayna ogolaadeen 141 Xildhibaan, wax diidayna aysan jirin, balse ay ka aamuseen ilaa Saddex Mudane, sidaasina uu ansax ku yahay xeerkan.

Xeerka maanta la horgeeyay Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa shalay waxaa soo ansixiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, kadib kulan aan caadi aheyn oo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Xeerkan ayaa waxaa Golaha Wasiirada horgeeyay kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, mana jirin cid diiday, iyada oo ugu dambeyn ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa 137 Kun oo Dollar ugu deeqay dadka uu saameeyay fatahaada Wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaasi oo hada la kulmaya dhibaatooyin kala duwan.