Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyadoo labada dhinac ay iska xog-wareysteen arrimo muhiim ah oo la xiriira nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u hambalyeeyay Danjire Francesca Di Mauro, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar intay xilka hayso. Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo taageerada Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada nabadeynta, horumarinta adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaale ee dalka.

Danjire Di Mauro ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida diirran ee loo soo dhaweeyay. Waxay ballanqaadday inay ka shaqeyn doonto horumarinta xiriirka labada dhinac, iyada oo tilmaantay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradiisa ku aaddan dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan nabadda iyo horumarka.

Kulankan ayaa muujinaya sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay xoojiso xiriirka ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, si loo gaaro yoolalka horumarineed ee qaranka.