Kulankii Baarlamaanka ee Maanta oo baaqday

Waxaa baaqday kulankii maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee uu Khudbad ka horjeedin lahaa Gudoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ku simaha Gudoomiyaha Muudey uu u diray Farriin ah in uu baaqday kulankii baarlamaanka ee Maanta.

Waxaa sidoo kale Jira in Jawaari uu doonaayay in uu maanta baneeyo Kursiga, islamarkaana uu Khudbad ka horjeediyo Xildhibaanada Golaha Shacabka sidda uu qabo dastuurka.

Jawaari ayaa shalay shaaciyay in uu berri Baarlamaanka ka hor hadli doono, islamarkaana uu shaacin doono sababaha uu isku casilay.