Kulankii daahfurka Bangiga Dhexe oo uu ka qeyb galay Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug.

Dhuusamareeb:-
Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug State, Mudane Abdulrazak Mohamed Abdi, ayaa ka qeybgalay munaasabadda daahfurka rasmiga ah ee Bangiga Dhexe qeybtiisa Galmudug, oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.
Munaasabaddan oo ahayd mid heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin heer qaran iyo heer dowlad-goboleed oo ay ka mid yihiin:
• Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud


• Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)
• Wasiirka Maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Maxamuud
iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday hay’adaha maaliyadeed iyo bulshada rayidka ah.
Intii ay socotay munaasabadda, Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug, Mudane Abdulrazak Mohamed Abdi, ayaa tilmaamay in xaruntan cusub ee Bangiga Dhexe ay horseedi doonto:
• Horumarinta nidaamka maaliyadeed ee gobolka.
• Kor u qaadista hufnaanta iyo isla xisaabtanka dhaqaale.
• In bulshada reer Galmudug ay si toos ah uga faa’iideystaan adeegyada bangiga.
“Daahfurkan wuxuu calaamad u yahay kalsooni iyo horumar. Waa albaabka loo furay in Galmudug yeelato nidaam maaliyadeed casri ah oo qeyb ka noqda koboca dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri Maamulaha.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Galmudug, iyo sidoo kale Wasiirka Maaliyadda, ayaa dhankooda xusay muhiimadda uu leeyahay daahfurka qeybta Bangiga Dhexe ee Galmudug, iyagoo ku tilmaamay tallaabo horumarineed iyo mid lagu xoojinayo dowlad dhiska iyo hufnaanta dhaqaale ee dalka.

DHAMMAAD.