Kulankii Golaha Shacabak Oo Markale Baaqday

Waxaa goordhow la shaaciyey in uu Maanta baaqday kulankii loo balansanaa ee Golaha Shacabka, kaas oo Sabtidii baaqday.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyey in Maanta kulanka uu u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan oo ay xaqiijiyeen.

Kulanka Maanta ayaa ajendihiisu waxa uu ahaa labo qodob oo kala ah, Hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka iyo  Warbixin laga dhageysan doono  guddiga dib u eegista dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Waa kulankii labaad ee uu Todobaad gudihiis baaqdo tan iyo markii uu furmay kal-fadhiga 5aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.