Kulankii Golaha Shacabka ee maanta loobalan sanaa oo baaqday

Kulan maanta lagu waday in ay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha Shacabka ay ku yeeshaan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaqday sidda ay xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhex taagnaa Khilaaf weyn oo saameyn ku yeeshay Shaqaddii Baarlamaanka.

Waa kulankii Saddexaad oo baaqday, iyadoona kol hore uu baajiyay Madaxweynaha Farmaajo Markii ugu dambeysana la sheegay in ciidamo ay qabsadeen xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaanada taageersan Gudoomiye Jawaari ayaa waxa ay sheegeen in ay soo jeediyeen in aan lagu shirin xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana meel ka baxsan lagu shiro.

Xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex taagan Golaha Shacabka ayaa sii xoogeysatay ilaa iyo hadda ma jiro xal buuxa oo laga gaaray.