Kulanka guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday Kooram la’aan.
128 Xildhibaan ayaa soo xaadirtay, balse kuma filnaan inuu kooramka buuxsamo, maadaama laga rabay 139 inuu ku furmo.
Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday kulanka Golaha Shacabka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa badankood maanta xaadiray Xafladda Daah furka Xisbiga Himilo Qaran oo ka socota Hoolka weyn ee Sahal.