Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday

Wararka Idaacadda Galgaduud ay ka heleyso xarunta Villa Somalia ayaa waxa ay sheegayaan inuu baaqday kulankii maanta xarunta Golaha Shacabka ay ku yeelan lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa xildhibaanada ku wargeliyay inuu baaqday kulanka Baarlamaanka oo codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.

Dib u dhaca kulanka ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii xalay saq dhexe wada hadal aan loo kala kicin yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo labadiisa kuxigeen.

 Waa markii afaraad oo uu baaqdo kulanka Baarlamaanka oo Ajandihiisa uu ahaa ka doodista Mooshinka Gudoomiye Jawaari, waxayna u muuqataa in dib loo soo celiyay wada hadaladii horey u fashilmay ee laga dhexwaday xubnaha Baarlamaanka.