Kumaandooska Gorgor oo Howlgal Amni oo Ballaaran ka Fuliyey Degmooyinka Raage Ceelle

Ciidanka Xooogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyey deegaano hoostaga degmada Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgallada ayay Geesiyaasha Ciidanka Xoogga si gaar ah uga fuliyeen tuulooyinka kala ah Gayfo, Boscadur iyo Yonbar oo dhamaantood dhaca dhanka waqooyi degmada Raage Ceele, Ciidanka ayaa sidoo kale sameeyey miino baaris ay ku sameeyeen wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah, si looga hortago khatarta Khawaarijta ay ku sameyn karaan dadka shacabka ah iyo gaadiidka.