Kusimaha Duqa Garoowe oo Shir Ka Shir-Guddoomiyay Xaaladda Abaarta ee Deegaannada Hoos Yimaada Caasimadda

Kusimaha Duqa Caasimadda Garoowe ahna Gudoomiye kuxigeenka Hon Mohamed Ali Hamari ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlayay xaalada abaarta ee deegaanada hoosyimaada Caasimadda Garoowe.
Shirka waxaa kasoo qeybgalay Xubnaha Guddiga abaarta ee Dowladda hoose, Agaasimaha Arrimaha Bulshada DHG, Gudoomiyaaasha Degsiimooyinka iyo Tuulooyinka hoosyimaada Caasimadda Garoowe.
Gudoomiyaasha iyo Waxgaradka deegnaada hoosyimada Garoowe ayaa gudbiyay cabashada biyo la’aanta iyo xaalada abaarta meelaha ugu daran Deegaanada Hoosyimaada Garoowe.
Gudoomiye Maxaamaed Xamari oo ah Gudoomiyaha Guddiga Abaaraha Dowladda hoose ee Garoowe ayaa sheegay in dowladda hoose wax ka qaban doonto kana jawaabi doonto cabashada bulshada ee abaarta gaar ahaan deegaanada ugu daran ee hoosyimaada Caasimadda Garoowe.
Dowladda hoose ayaa bari Biyo-dhaamin ka samayn doonta qaar kamid ah Deegaanada hoosyimaad Garoowe, si loga jawaabo cabashada biyo la’aanta ee Abaarta.