Kusimaha madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha in Shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay dalka ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana ay tahay rajo ay in badan sugayeen oo ah in ay codkooda ku doortaan hogaanka dalka.
kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha islamarkaana ay ku garab istaagaan gudashada waajibaadka loo igmaday.
Ugu dambeyn kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo ay wehliyaan xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay xarunta guddiga.
Home Wararka Maanta KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA AHNA GUDDOOMIYAHA BJFS OO BOOQDAY XARUNTA GUDDIGA MADAXA BANAAN...