Kusimaha Madaxweynaha KGS oo qaabilay Wafdi ka socda QM

Kusimaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey,kuwaasoo maanta tagay Baydhabo.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaayay Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Rai Zenenga.

Waxa ay ka wada hadleen dardargalinta howlaha doorashadda maamulka Koonfur Galbeed oo ay harsan tahay Muddo Afar Maalmod ah.

Qaar ka mid ah musharrixiinta Koofur Galbeed ayaa dhawaan soo jeediyay In doorashadaas dib loo dhigo,iyada oo xubno ka mid ah Guddiga doorashada ay sheegeen in doorashada waqtigeeda ku dhaceyso.