Kusimaha Madaxweynaha oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya,Abdullah Bin Salem Al-Nuaimi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan iskaashiga dhinaca sharci-dejinta iyo wada shaqeynta Baarlamaanada labada dal. Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla gartay in la dardargeliyo xiriirka istiraatiijiga ah si loo taageero hannaanka dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa kulanka intii uu socday tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Qatar, isaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayay duqeymaha Israa’iil ay ka fulisay magaalada Dooxa. Wuxuu xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin walaalahooda reer Qatar xilligan adag.

Dhankiisa, Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Abdullah Bin Salem Al-Nuaimi, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka doorka muuqda ee Golaha uu ka qaatay dhismaha sharciyada dalka, isaga oo bogaadiyay kaalinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhanka dowlad-dhisidda iyo horumarinta.

Ugu dambeyn, Kusimaha Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, taasoo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.