Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa looga hadlay xaaladda guud ee howlaha Qaranka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha mudnaanta u leh dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, loona xaqiijin lahaa in hawlaha u dhexeeya Golaha Shacabka iyo Xukuumadda ay u socdaan si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda dalka iyo habraacyada dowladnimo.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo shuruucda iyo hindise-sharciyeedyada mudnaanta u leh howlaha Qaranka ee horyaalla Golaha Shacabka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya horumarinta nidaamka dowladnimo, xoojinta hay’adaha Qaranka iyo hirgelinta qorshayaasha dowladda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isla eegay baahida loo qabo in la xoojiyo wada-tashiga joogtada ah ee u dhexeeya labada dhinac, si loo fududeeyo howlaha sharci-dejinta iyo fulinta siyaasadaha iyo qorshayaasha Qaranka.
Wada-shaqeyn dhow oo dhex marta Golaha Shacabka iyo Xukuumadda ayaa muhiim u ah sidii loo dardargelin lahaa howlaha dowladda, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta adeegyada bulshada, amniga, dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo hirgelinta qorshayaasha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa sidoo kale muujinayay muhiimadda ay labada hay’adood siinayaan isku-duwidda howlaha Qaranka iyo in la helo wada-shaqeyn ku dhisan Dastuurka, shuruucda dalka iyo ilaalinta danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, labada mas’uul ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado wada-shaqeynta iyo wada-tashiga Golaha Shacabka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si loo dardargeliyo howlaha Qaranka, loo meel mariyo shuruucda muhiimka ah, loona xaqiijiyo in hay’adaha dowladda ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta dalka iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.