La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya oo Ka Hadlay Horumarka Amniga Dalka iyo La-dagaallanka Kooxaha Argagixisada

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa khudbad ka jeediyey Madasha Amniga Caalamiga ah ee 2026, oo ka socota magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, isaga oo diiradda saaray xaaladda amni ee Soomaaliya, iskaashiga caalamiga ah iyo muhiimadda ay leedahay dhowrista madax-bannaanida dalalka iyo u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah.

Danjire Aweys ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay aragtida Soomaaliya ee ku aaddan xaaladaha amni ee gobolka iyo caalamka, isaga oo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in dalalka iyo hay’adaha caalamiga ahi ay xoojiyaan wada-shaqeynta, si wax looga qabto caqabadaha amni ee dalalka kala duwan ka jira.

Isagoo ka hadlayay xaaladda amni ee Soomaaliya, ayuu sheegay in dalka uu horumar muuqda ka sameeyey dagaalka ka dhanka ah Kooxda AS iyo Daacish, kuwaas oo uu tilmaamay inay caqabad ku yihiin amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa xusay in, sida uu sheegay, in ka badan 55 boqolkiiba dhulkii ay kooxahaasi haysteen dib loogu soo celiyey gacanta dowladda, halka ugu yaraan 1.5 milyan oo qof laga xoreeyey cabsigelinta argagixisada. Wuxuu tilmaamay in dadaallada amni ee socda ay qayb ka yihiin qorshaha lagu xaqiijinayo amni waara iyo soo celinta xasilloonida deegaannada ay saameeyeen falalka amni-darradu.

Danjire Aweys ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in guulaha laga gaarayo hawlgallada amniga lagu xoojiyo qorsheyaal waara oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah, laguna xaqiijinayo in deegaannada dib loo xoreeyo ay helaan amni, adeegyo aasaasi ah iyo maamul shaqeynaya.

Dhanka iskaashiga gobolka, La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta amni ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, iyo sidoo kale saaxiibada caalamiga ah. Wuxuu si gaar ah u carrabka ku adkeeyey muhiimadda xog-wadaagga sirdoonka, sugidda xuduudaha iyo iskaashiga lagula dagaallamayo kooxaha hubeysan ee khatarta ku ah amniga gobolka.

Waxa uu intaas ku daray in amniga marin-biyoodka iyo ilaalinta waddooyinka muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ahi ay u baahan yihiin iskaashi joogto ah oo dhex mara dalalka ay khuseeyaan, maadaama amniga badda iyo isu-socodka ganacsigu ay door muhiim ah ku leeyihiin xasilloonida gobolka iyo dhaqaalaha caalamka.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Amniga Caalamiga ah ee 2026 ayaa fursad u ah in lagu soo bandhigo xaaladda amni ee dalka, dadaallada socda iyo baahida loo qabo taageero iyo iskaashi caalami ah. Madalaha noocan ah ayaa sidoo kale suurageliya in dalalku ay ka wada hadlaan caqabadaha amni ee ka dhexeeya, isla markaana ay raadiyaan habab wadajir ah oo wax looga qaban karo.

Ugu dambayn, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara, ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo xoojinta xasilloonida gobolka, isaga oo ku baaqay in iskaashiga caalamiga ah lagu saleeyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida dalalka.