La-taliyaha Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Caddaaladda oo maanta furay kulan wacyi-gelin bulsho oo lagu qabtay Xarunta Degmada Waaberi .

La-taliyaha Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Caddaaladda Mudane Xuseen Cismaaciil Maxamed ayaa maanta furay kulan wacyi-gelin bulsho oo lagu qabtay Xarunta Degmada Waaberi ,kaasoo looga hadlayay kor u qaadista caddaaladda carruurta.
Kulankan oo ay ka qeyb galeen hoggaanka la-dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah carruurta iyo haweenka ee Booliska Soomaaliyeed, maamulka Degmada Waaberi iyo bulshada rayidka ayaa diiradda lagu saaray ilaalinta xuquuqda carruurta iyo dhiirrigelinta fahamka bulshada ee muhiimadda caddaaladda carruurta.
Ugu dambeyn bulshada ayaa lagu booriyey inay si firfircoon uga qeyb qaataan ilaalinta xuquuqda carruurta, isaga oo carrabka ku adkeeyey doorka ay wacyi-gelintu ka qaadato dhisidda mustaqbal ifaya oo horumar iyo badbaado u horseeda carruurta Soomaaliyeed.