Laamaha Amaanka Bosaaso Oo Soo bandhigay nin Caruur Afduubtay

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Maamulka Puntland ayaa waxaa ay kusoo qabteen Nin ay sheegeen in uu Boosaaso ka afduubtay carruur ,kuwaas oo muddo ay baadi goobayeen, kadib markii eheladooda ay kusoo wargeliyeen maqnaanshahooda.

Carruurta la afduubtay oo gaaraya ilaa saddex ayaa Taliska Booliska Gobolka Bari Saraakiishooda waxaa ay sheegeen in Ninka uu Carruurka ka afduubtay Boosaaso,hayeeshee laga soo qabtay xilli dooni uu ku waday Carruurta ay kaga halaawday agagaarka Xeebaha Qanadala ee Gobolka Bari.

Taliyaha Booliska Gobolka Bari  Xuseen Cali Maxamed ayaa sheegay in Carruurtaas maalmahaan ay soo baxayeen in la doonayo in loo askareeyo Al-Shabaab & Daacish aan waxba ka jirin,kadib baaritaan ay ku sameeyeen,waxaana uu sheegay in Ninka afduubta geystay uu yahay Nin Maskax ahaan aan Carrurta waxba dhaamin.

Dhinaca kale Ninka Ciidamada ay soo qabteen,isaga oo wada Carruurta ayaa qirtay in uu isaga ka dambeeyay afduubkaas loona soo adeegsaday,waxana Waalidiinta Carruurta iyo Maamulka Puntland uu ka dalbaday inay cafiyaan.