Laamaha Amaanka Puntland Oo Soo bandhigay Waxyaabah Maanka Dooriya

Taliska Booliska Gobalka Bari ayaa  howlgal qorsheysnaa oo ay ka fuliyeen Magaalada Boosaaso waxaa ay kusoo Bandhigeen Khamri farabadan Gaarigii lagu waday Iyo Dadkii soo Galinayay Magalada Boosaaso.

Khamriga oo kooban 60 Dhalo  ayaa lagu waday Gaari nooca loo yaqaano Candha-Mayd laha,waxaana saraashiisa Ciidamada ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Ciidamada ku sugan Kaantaroolka Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gashaanle Sare Xussen Cali Maamuud ayaa sheegay In Gudaha Magalada ay kala dagalameen Maanooriyaha IsagoonaxXusay In Gaadiidka soo qaada Khamriga lala Wareegi  doonto,Isla markaana Gadiidkaan iyo Dadka wadayba la horgeyn Doono Sharciga.

Taliye Xusseen sidoo kale waxa uu xusay in gaadiidkan Khamriga soo qaada ay Magalada Boosaaso sido kale soo galin karaan Al-Shabaab iyo Daacish maadama Khamriga ay ka suurowday inay Magaalada soo galinayaan.