Laamaha Amaanka Puntland Oo Soo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo ragii weday

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay Magalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari kusoo bandhigeen waxyabaha qarxa iyo rag ay sheegeen inay diyaarinayeen.

Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in waxyaabaha qarxa iyo raga diyaarinayay lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Xaafada Buuraha ee magalada boosaaso,kadib xogo ay ka heleen Shacabka Magalada Boosaaso.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa soo bandhigay 7 Ruux oo ay sheegeen inay ahaayeen raggii diyaarinayay qaraxyada,isla markaana doonayay inay ku dhibaateeyaan dadka Magalada Boosaaso sida ay hadalka u dhigeen.

Howlgalkaan lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa iyo raggii diyaarinayay ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Puntland uu shalay kulan la qaatay saraakiisha Amniga kuna amray in la xoojiyo amniga guud ee Puntland, iyada oo maalmo kaliya ay ka harsan tahay xuska maalinta aas’aaskii Puntland ee 1-da Agoosto.