Laamaha Amanka oo qabtay Qamri

Ciidamada Booliska Gobalka Bari gaar Ahaan kuwa Degmada Carmo oo sameeyay howlgal lagu xaqiijinayay Amniga ayaa gacanta u Dhigay 75 Dhalo Khamri ah, kuwaasi oo Saraakiishu sheegeen in la doonayay la geliyo Magaladda Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari Puntland.

War kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay Khamriga ay Ciidamada kala Shaqeeyeen Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmadda Carmo.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa u mahad celiyay Odayaasha Dhaqanka Carmo iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan Ee ka qeyb qaadanaya howlgalada ay Wadaan Ciidamada.

Waxaa sidoo kale Taliyaha uu digniin u diray dadka isticmaala Maandooriyaha Khamriga iyo kuwa ka Ganacsanaya,isaga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Howlgalkaan ay Ciidamada Booliska Puntland ka sameeyeen Magaalada Carmo oo ay kusoo qabteen dhalooyinka Khamriga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta howlgal lagula dagaalamayay Kooxo ka Ganacsada Maandooriyaha uu ku dhintay taliyihii Ciidamada ilaamada Puntland Puntland.