Laamaha Amniga D/Guriceel oo xiray dhammaan Wadooyinka soo gala maxa ay tahay Sababta?

Deg Deg:- Laamaha amaanka degmada Guriceel, ayaa caawa xirey dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa baxa Degmada Guriceel.

Taliyaha booliska Degmada Gaashaanle Cismaan Cali Hudey oo aan la xariirnay ayaa noo xaqiijiyay in sababta loo xiray waddooyinka ay tahay xaqiijinta amaanka Degmada.

Xirnaasha waddooyinkaan ayaa kusoo aaday xili dowladda goboleedka galmudug ay dagaal adag kula jirto maleeshiyada Al-Shabaab,

Ururka Al-shabaab ayaa laga saaray degmooyin iyo deegaano badan oo ka tirsan Galmudug, Ka dib howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Galmudug, kuwa xogga dalka iyo dadka deegaanka.

Laamaha amaanka ee Degmada Guriceel ayaana caawa howlgalo ka sameeyay gudaha iyo daafaha Degmada Guriceel.

Maalin ka hor amar kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa lagu xiray Wadooyinka ka yimaada dhanka Degmadda Ceelbuur ee soo gala Caasimada Dhusamareeb.