Laamaha amniga ee Puntland oo soo bandhigay nin ajanabi ah oo ka tirsanaa Daacish

Laamaha amniga ee Puntland ayaa soo bandhigay nin ajanabi ah oo ka tirsanaa Daacish, kaasi oo ay ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen buuraha caalmisk ee gobolka Bari.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay ciidamada gaarka ah ee PSF, waxaana ay ninkaan magaciisa ku sheegeen Cimraan Maxamed Calaawi oo ka soo jeeda Sinsibaar.

Saraakiisha ciidamada PSF ayaa sheegay in ninkan uu ka soo firxday duqeyn dhowaan lala beegsaday hoggaamiyaha Daacish, Cabdiqaadir Muumin.

Sidoo kale, ciidamada waxaa ay soo bandhigeen ninkan oo la hadlay warbaahinta, isaga oo sheegay in ajaanib badan ay ku joogeen buuraha ay ku sugan yihiin Daacish. Wuxuu tilmaamay inta kooxdaasi uu kamid ah in uu ka qeyb galay laba dagaal oo ay la galeen Al-shabaab.

Ciidamada gaarka Puntland ee PSF ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah Daacish iyo Al-shabaab ka waday buuraha gobolka Bari.