Laamaha Amniga Iyo Maamulka Guriceel oo gacanta kusoo dhigay nin qof ku dilay degmada..

Laamaha amniga kala duwan iyo maamulka degmada Guriceel ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigeen Eedeysane Maxamed Cismaan Abdiraxmaan, oo degmada ku dilay nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabo Libaan Aadan Ibraahim, talaadadii 25 bishan June, Abaaro 2:30 Habeenimo.
Eedeysane Maxamed Cismaan ayaa iska baxsaday goobtii uu dilka ku geystay. Gudoomiyaha degmada Guriceel, Faarax Cabdi Macalin, ayaa Warbaahinta Galgaduud u xaqiijiyey in eedeysanahaasi uu soo galay gacanta laamaha amniga.