laamaha Amniga Magaalada Jigjiga oo gacanta ku dhigay Nin dil geystay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Xaafada 17aad ee magaalada Jigjiga uu ka dhacay dil loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabdi Ismaaciil.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka Ninka loo adeegsaday masaar ama Faas, oo looga dhuftay qeybaha Sare ee jirkiisa, isla markaana Hay’adaha Amniga Magaalada jigjiga ay gacanta ku dhigeen ninkii dilka gaystay.