Laba Dhul gariir oo markale dhuftay Dalka Turkiga.

Inta la xaqiijiyey Saddex qof ayaa ku dhintay ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.4 uu ku dhuftay koonfurta dalka Turkiga Isniintii, toddobaadyo ka dib markii uu dhul gariir khasaare geystay uu ku dhuftay isla gobolkan.

In ka badan 213 qof ayaa ku dhaawacmay oo iskugu jira Turki iyo Suuriyan, maadaama uu Gobolkaani uu dhaco xadka laba dal.

Hay’adda masiibooyinka iyo gargaarka degdegga ah ee Turkiga (AFAD) ayaa sheegtay in gariirku uu dhacay 20:04 xilliga maxalliga ah (17:04 GMT), waxaana xigay daqiiqado ka dib dhul gariir kale isla agaaga, Magaalada Hatay, booliisku waxay soo badbaadiyeen hal qof oo ku go’doonsanaa dhismo saddex dabaq ah, waxayna isku dayayeen inay gaaraan saddex kale oo gudaha ku jiray, sida uu sheegay telefishinka HaberTurk.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen, waxa uu intaasi ku daray in ay socdaan Dadaalo lagu baadigoobayo iyo laguna samatabbixinayo saddex dhise oo dumay kuwaas oo la rumeysan yahay in lix qof ay ku xayiran yihiin.

Dhulgariir cabbirkiisu ahay 7.8 iyo 7.6 ayaa ku dhuftay Koonfur Bari Turkiga iyo dalka ay deriska yihiin ee Suuriya 6-dii Bishaan February, waxaana ku dhintay in ka badan 45,000 oo qof, halka hal milyan oo qofna ay hoy la’aan noqdeen. Khaarihii dhaqaale ee masiibadii Dhul gariirkii hore ayaa lagu qayaasayaa inuu ka badan yahay tobanaan bilyan oo doolar