Laba Ka Mid Ah Horyaalada Ugu Waaweyn Qaaradda Yurub Oo Maanta Lagu Kala Bixi Karo & Natiijooyinka Ay U Baahan Yahiin.

Waa isbuucii koowaad ee bisha April sidaas oo ay tahay laba ka mid ah horyaalada ugu waaweyn qaaradda yurub ayaa lasoo afjari karaa isla markaana kulamada haray ay noqon doonaan kuwa uun la iska daawado oo marxalado kale loo dagaalmo.

Bayern Munich ayaa u dabaal dagi karta hanashada horyaalka Bundesliga, halka Man City ay u dabaal dagi karto hanashada horyaalka Premier League, taasoo ka dhigan in laba ka mid ah shanta horyaal ee ugu waaweyn yurub lasoo afjari akro.

Waxaan fiirin doonaa, natiijooyinka ay u baahan yahiin si ay ugu yaraan u noqdaan kuwa loo caleemo saaro – boqorada horyaaladaas.


Manchester City:

Guardiola wiilashiisa waxey guuldaro kala kulmeen Liverpool kulan ka tirsan koobka Champions League, balse waxey heystaan lug labaad oo ay kusoo rogaal celin karaan, balse markaan waxey heystaan fursad ay dariskooda Man United kaga careysiiyaan isla markaana ku hor dabaal dagaan walow la joogo Etihad Stadium.

Maxey u baahan tahay: Kaliya guul ay gaarto ayey u baahan tahay, hadii ayse barbaro iyo guuldaro hesho – waxaa la sugi doonaa kulamada xiga.

 Bayern unich:

Sabtida maanta ah Jupp Heynckess wuxuu kooxdiisa u hogaamin karaa hanashada Bundesliga ciyaarta ay ka hor jeedaan Ausburg, waxeyna u baahan yahiin kaliya iney guul gaaraan si ay u hantiyaan.

Hadii ay barbaro galaan Bayern Munich wey hanaan karaan horyaalka, balse waa marka ay Schalke 04 lumiso kulanka ay Axadda la ciyaareyso Hamburg.