Laba Musharax Oo Ka Tanaasulay Doorashada

Waxaa goordhow shaaciyey in uu ka tanaasulay in uu ka qeyb galo tartanka loo galayo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Shariif Maxamed Cabdalla.

Shariif Maxamed Cabdalla ayaa sheegay in uu ka tanaasulay in uu wareega labaad u tartamo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka sababo uu ku sheegay in uusan xiliigaan tartanka uga qeybgeli Karin oo ah in uusan heysan codad badan.

Sidoo kale waxaa tartanka isaga haray Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen,

Haatan waxaa la guda galayaa wareega labaad oo ay ku tartami doonaan Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yaroow.