Laba Nin oo dhalinyara ah oo falal Burcadnimo ah ay ku soo qabteen caawa Booliiska Muqdisho.

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Howlwaddaag ayaa  caawa  qabtay labo nin oo dhalinyara ah kuwaasi oo ku eedeysanaa falal burcadnimo, Boliiska sheegay in ay raggaan ay wateen Bistoolado caag ah oo ay dadka ku dhacayeen,, ciidanka ayaa labadaan nin ka qabtay isgooska Degmada Howlwaddaag ee G/Banaadir.

Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira ilaalinta badqabka bulshada Caasimadda,ayaga oo wadda shaqeyn dhow ka helayaa Shacabka Muqdisho, waxa ayna Booliiska ay ku guuleeysteen in ay soo qabtaan tiro Dhaliyaro ah kuwaasi oo xiligaasi gacanta kula jira Falal Amniga lid ku ah.