Laba ruux oo lagu toogtay Magaalada Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Waaxda Tima-cadde ee degmada Wadajir, rag hubeysan ayaa saakay aroortii gaar ahaan salaadii subax kadib waxay laba dil ka geysteen degmadaasi.

Dilalka ayaa ka kala dhacay laba goobood oo ka wada tirsan Waaxda Tima-cadde ee degmada Wadajir, waxaana labada ruux ee la dilay ay kala ahaayeen Macalin Dugsi iyo Hillible.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay Rag hubeysan in gurigiisa ay ugu galeen nin Macalin Dugsi ahaa kadibna ay toogteen, daqiiqado kadibna ay maqleen rasaas culus, taasi oo lagu dilay nin kale oo la sheegay inuu ahaa Hillible, kaasi oo lagu magacaabi jiray Muxudiin Cosoble.

Maamulka degmada Wadajir ayaa inoo xaqiijiyay dilalka saakay ka dhacay degmadaasi, waxayna tilmaameen in Hay’adaha ammanaka ay ku baxeen raggii dilalka geystay oo goobta ka baxsaday, ayna rajeynayaan in gacanta lagu soo dhigo.

Waxaa muuqata in ay kordheen dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, shalay oo ugu dambeysay Muqdisho waxaa lagu dilay shaqaale ka tirsanaa Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo Askari ka mid ahaa ilaalada wadooyinka, weli ma jiraan Hay’adaha ammaanka talaabooyin ay uga jawaabeen dilalkan.