Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay xisaab-xirka miisaaniyadda dowladda.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray akhrinta saddexaad iyo ansixinta xisaab-xirka miisaaniyadda sanadka 2024, oo ay horey u diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda. Guddiga Miisaaniyadda ayaa soo bandhigay warbixin dhammeystiran, waxaana natiijada codbixinta noqotay: 167 mudane ayaa oggolaaday, 2 ayaa diiday, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, Biixi Iimaan Cige, ayaa u mahadceliyay labada aqal ee baarlamaanka ansixinta miisaaniyadda, isagoo sheegay in tani ay muhiim u tahay hufnaanta maaliyadeed iyo qorsheynta qaranka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa xusay in kalfadhiga toddobaad ee Baarlamaanka ay horyaallaan arrimo muhiim ah, oo ay ugu weyn yihiin dib u eegista iyo dhamaystirka dastuurka KMG ah ee dalka.