Labada Aqal ee Baarlamaanka oo si rasmi ah u soo gabagabeeyay doodaha shantii cutub ee loo soo gudbiyay.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sareee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 21-aad kalfadhiga todobaad kulanka wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.
Ajandaha kulanka maanta wuxuu ahaa sii wadista doodda soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Cutubka Sagaalaad ee Dastuurka KMG ah ee ka hadlaya Garsoorka, gaar ahaan qodobbada 130-aad ilaa 154-aad, iyadoo Xildhibaannada labada Aqal ee maanta ka qeyb galay doodda qabyo-tirka dastuurka ay soo bandhigeen aragtiyadooda iyo talooyinkooda la xiriira cutubkan.
Guddoomiye Cali Shacbaan oo kulanka soo xiray ayaa shaaciyay in maanta sibrasmi ah loo soo geba gebeeyay doodda Cutubka Sagaalaad oo u damveeyay shantii cutub ee Baarlamaanku hore uga dooday, isla markaana Guddiyada Dastuurka looga fadhiyo inay soo qaabeeyaan, kala soocaan, isla markaana isku dubbaridaan aragtiyadii iyo talooyinkii ay Xildhibaannada labada Aqal ka jeediyeen doodaha qabyo-tirka Dastuurka, si loogu guda galo marxaladaha xiga ee dhammaystirka dastuurka.