udanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.
Ajendaha kulanka labada Aqal ee maanta ayaa waxa uu ahaa sii wadida ka doodista cutubka lixaad ee dastuurka Kmg ah gaar ahaan Qodobadiisa 80-aad ilaa 95-aad.
Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda cutubka lixaad ee dastuurka ay sii socon doonto, islamarkaana lasii amba qaadi kulanka kan xiga.