Labada Aqal oo Soo Gebagebeeyey Doodda Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 17-aad kalfadhiga todobaad kulanka wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.
Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta mar kale sii amba-qaaday doodda soojeedimaha wax-kabeddelka cutubka lixaad ee dastuurka KMG ah, gaar ahaan madaxayada saddexaad iyo afaraad ee ka hadlaya arrimaha xeerdejinta iyo awoodaha labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Feseraalka Soomaaliya.
Guddoomiye Cali Shacbaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in la soo gebagebeeyay doodda Cutubka lixaad ee Dastuurka KMG ah oo qaadatay muddo saddex maalmood ah, islamarkaan loo gudbi doona maalinta berri ah cutubyada todobaad iyo sideedaad ee ka hadlaya awoodda Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda