Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025 oo gaaraysa $1,359,714,328, waxaa ogolaatay in la ansixiyo 172-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.
Misaaniyada ay Ansixiyeen Mudanayaasha Labada aqal ayaa waxaa usoo gudbisay Wasaarada Maaliyada Xukuumada Faderaalka Soomaaliya,