Labo Askari oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa labo Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay maanta ku dileen Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho sidda ay sheegeen goobjoogayaal.

Dilka ayaa ka dhacay Bosteejadda Baydhabo, waxaana la sheegay in halkaasi lagu dilay labo Askari iyo qof Shacab ah.

Qofka Shacabka ah ayaa ku dhintay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada la dilay iyo Kooxdii soo weerartay.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen , waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgallo.