Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa shaaca ka qaaday in labo dhallinyaro Soomaali ah ay ku dhinteen magaalada Nairobi, kadib markii ay isku dayayeen in ay duubaan muuqaallo TikTok ah iyaga oo si aan taxadar lahayn uga dhex muuqday waddooyinka mashquulka ah ee magaalada.
Danjire Jibriil ayaa xusay in dhalinyaradu ay sharci-darro ugu dhex marayeen laamiga, isla markaana ay la kulmeen shil gaari, taas oo ay mas’uuliyiinta Kenya xaqiijiyeen. Waxa uu intaas ku daray in falalka noocan oo kale ah ay noqonayaan kuwo dhaawacaya sumcadda Soomaalida ku nool dalka Kenya.
“Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa si aan taxaddar lahayn jidadka Nairobi ugu gala iyaga oo muuqaal iskaga duubaya TikTok – arrintaas waxay sababtay dhimashada labo ka mid ah dhalinyaradaas. Ficillada noocan ah waa dhibaato weyn,” ayuu yiri Danjiraha.
Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa cambaareeyay falkaasi, wuxuuna sheegay in dowladda Kenya ay qaadi doonto tallaabo sharci ah oo looga hortagayo halista dhallinyarada si aan xilkasnimo lahayn u gala waddooyinka.